Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Hindiya oo basaska gaadiidkii hore u beddalaysa musqulo u gaar ah haweenka

Hindiya oo basaska gaadiidkii hore u beddalaysa musqulo u gaar ah haweenka

0

Himilo – Haweenka Hindiya ayaa ku qasban inay jaraan masaafo dheer si ay u gaaraan guriga marka ay doonayaan suuli ay ku xaajo gutaan. Tani waxay abuurtay baahida loo qabo musqulo guud oo leh nadaafad oo laga sameeyo dalka dhaca koonfurta Asia.

Hadda, waxay u muuqataa in xal loo helay dhibaatada heysata haweenka Hindiya. Galbeedka dalka waxaa laga sameeyay musqulo guur-guura iyada oo la adeegsanayo gaadiidka basaska nuucyadii hore.

Sida ay qortay wakaalada AFP, haween fara badan ayaa hadda ku dareema ammaan musqulaha laga sameeyay gudaha basaskii hore.

“Musqulahan waa kuwa leh nafis, waxay ku siinayaan ammaan,” ayay tiri Sofarna Dougarya oo la hadashay AFP.

Haweenay kasta oo dooneysa inay isticmaasho suuliga, waxay bixinaysaa 5 Rupee oo u dhiganta 0.64 Euro.

Fadlan halka hoose ka eeg sawirrada sheekada.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version