Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Kepa Arrizabalaga oo codsanaya ka tegista Chelsea

Kepa Arrizabalaga oo codsanaya ka tegista Chelsea

0

Himilo – Kepa Arrizabalaga ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo ka tegista Chelsea inta lagu guda jiro suuq furanka soo socda.

Kaddib khaladaad waaweyn oo ka dhacay, Arrizabalaga ayaa lagu beddalay Willy Caballero horraantii bishan, taasi oo ka dhigtay in uu afartii cayaar ee la soo dhaafay uu ku qaatay kursiga keydka.

Frank Lampard ayaa la rumeysan yahay in uu ku farraxsan yahay iibinta goolhayaha reer Spain dhammaadka xilli cyaareedkan.

Si kasta, sida laga soo xigtay The Sun, Arrizabalaga ayaa doonaya in uu gudbiyo codsi uu kooxda kaga tagayo kahor inta aanan la siin go’aan kale.

Wararka ayaa tilmaamaya in 25 jirka oo qandaraaskiisa Blues uu ku egyahay 2025-ka uu niyad-jab ku dareemay in uu wakhti badan ku qaato kursiga keydka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version