Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Matic oo sheegay in Solskjaer uu sameynayo isbadal

Matic oo sheegay in Solskjaer uu sameynayo isbadal

0

Himilo – Nemanja Matic ayaa sheegay in Ole Gunnar Solskjaer uu sameynayo isbadal wanaagsan tan iyo markii uu noqday tababaraha kooxda Manchester United.

Ninka reer Norway ayaa shaqada Old Trafford loogu dhiibay si ku-meel-gaar ah muddo 14 billood kahor markii uu ka tagay Jose Mourinho. Ku bilaabasho wanaagsan oo uu sameeyay ayaa si rasmi ah loogu dhiibay xilka madaxtinimo.

Inkasta oo kooxda uu ku hoggaamiyay guulo badan waayadii danbe, haddana madaxii hore ee kooxda Cardiff City ayaa lala xiriiriyay bixitaan iyada oo Massimiliano Allegri iyo Mauricio Pochettino yihiin kuwa la heli karo.

Isaga oo la hadlayay Sky Sports News, Matic ayaa yiri “ Maalin kasta, wuu soo hagaagayaa, isaga oo helaya waayo-aragnimo badan, hubaal waxa uu noqon doonaa mid wanaagsan.”

Matic oo dhaliyay afar gool 107 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu ku biiray United bishii July ee sannadkii 2017-ka ayaa qandaraaskiisa ku egyahay xagaaga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version