Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Bayern oo xaqiijisay in bartilmaameedka Arsenal uu yahay beddelka Sane

Bayern oo xaqiijisay in bartilmaameedka Arsenal uu yahay beddelka Sane

0

Himilo FM –Bayern Munich ayaa laga yaabaa inay soo galaan tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka bartilmaameedka u ah Arsenal Yannick Carrasco oo katirsan Dalian Yifang haddii ay ku fashilmaan  saxiixa xiddiga  Manchester City Leroy Sane.

Kooxda heysata horyaalka Bundesliga ayaa raadineysa inay buuxiso boosaska  Franck Ribery iyo Arjen Robben oo ka tagaya, islamarkaana ay doonayaan inay Sané dib ugu soo celiyaan Germany.

Sane wuxuu galayaa labadiisa sanno ee ugu dambeysa qandaraaskiisa Etihad inkasta oo City ay isku dayday inay heshiis dheer la gaarto wakhtiyo badan oo aysan awoodin inay heshiis la galaan.

Taas ayaa Bayern ku siyaadisay xiisaha, inkastoo madaxweynaha Uli Hoeness uu qirtay inay adag tahay in lala soo saxiixdo Sane iyadoo dalabyada City ay ku doonayaan uu yahay 90 milyan ginni.

Iyadoo Bayern ay ku adagtahay inay la kulanto dalabaadka City, waxay u weecdeen bartilmaameedyo kale oo uu ku jiro Carrasco oo doonaya inuu ka tago China xagaagan.

Carrasco ayaa lagu heli karaa £ 25m, waxaana uu diyaar u yahay inuu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu ugu laabto Yurub iyadoo ciyaaryahanka reer Belgium uu haatan ku qaadanayo qiyaastii 170 kun ginni isbuucii.

Ciyaartoyda kale ee liiska ugu jira Bayern ayaa ah Julian Draxler oo u muuqda inuu ka tagayo PSG iyo Callum Hudson-Odoi, inkastoo xiddiga reer England uu u muuqdo inuu sii joogayo Chelsea xilli ciyaareedka soo socda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version