Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Juan Mata oo ka fiirsanaya dalabyo ka yimid Turkiga

Juan Mata oo ka fiirsanaya dalabyo ka yimid Turkiga

0

Himilo FM – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Juan Mata ayaa la soo warinayaa inuu ka fiirsanayo dalabyada ka imaanaya labada kooxood ee ugu waaweyn Turkey.

Mata ayaa qandaraaska uu kula joogo United waxa uu dhacayaa dhammaadka bishaan.

31 jirkan ayaa qandaraas cusub oo hal sanno ah u soo bandhigtay Red Devils laakiin sida laga soo xigtay The Sun, Fenerbahce iyo Galatasaray ayaa kusoo laabtay doonista Mata si ay u geeyaan Turkey xagaagan.

Barcelona ayaa sidoo kale lala xiriirinayay weeraryahan khibrad leh, kaasoo dhaliyay lix gool, afarna caawiyay 32 kulan oo uu u saftay United xilli ciyaareedkii 2018-19.

Mata oo kasoo tagay Chelsea 2014 ayaa ku guuleystay FA Cup, League Cup, Community Shield iyo Europa League intii uu joogay kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka England.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version