Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Dhaqaale Bilyaneerada Caalamka oo sii hodmaya

Bilyaneerada Caalamka oo sii hodmaya

0
Maal-qabeeno

Himilo – Sida ay baahisay hay’adda samafalka Oxfam waxaa korortay hantida ay sameeyeen tobanka nin ee ugu hantida badan caalamka.

Bilyaneeradan oo faa’iido ka sameeyay cudurka Covid-19, ayaa wadarta hantidoodu gaartay $11.95 tirilyan oo doolar intii u dhaxeysay 18-kii Maarso illaa 31-kii December sanadkii tagay ee 2020.

Kahor sanadkii tagay isku darka hantidooda ayaa ahayd $3.9 tirilyan. Oxfam ayaa sheegeysa in hantida ragan bilyaneerada ah ay saboolnimada ka saari karo dadka faqriga ah ee ku nool caalamka.

Hantidooda waxay u dhigantaa lacagaha dowladaha ku horumaray warshadaha ee ku bahoobay G20 ay u qorsheeyeen la dagaalanka cudurka Covid-19, taasi macnaheeda ayaa ah i dadyowga ku nool dalalkaasi ay u iibin karaan tallaal wada gaara.

Shaqsiyaadka sii hodmay ee la xusay waxa ka mid ah  aasaasaha shirkadda Amazon Jeff Bezos, bud dhigaha Tesla Elon Musk iyo milkiilaha  Facebook Mark Zuckerberg.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version