Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Bisad la baadi goobayay 7 sano oo dib loo helay

Bisad la baadi goobayay 7 sano oo dib loo helay

0

Himilo – Bisad ka luntay guriga milkiilaheeda todobo sano ka hor ayaa dhawaan dib ula midoobi doonta qoyskeeda ka dib markii ay ka soo laabatay in ka badan 1,400 mayl.

Yaanyuurtan oo lagu magacaabo Ashes waxay guriga qoyska leh ka ambatay bishii August sanadkii 2015. Waxaa la raadinayay muddo balse lama helin wax sheega.

Denise Cilley oo ah haweeneyda leh ayaa sheegtay in qoyska oo dhammi ay aamineen markii ay waayeen inay dawaco cuntay.

Waxay intaas ku dartay inay aamini waayeen markii 22 January 2022 taleefan looga soo diray  xarunta xannaanada xayawaanada ee Florida kaas oo loogu sheegay in bisadooda la hayo.

“Waxaan ku noolahay Maine. Kuma lihin bisad Florida,” Cilley oo dib u wacday qofkii soo wacay ayaa sidaas u sheegtay.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version