Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Kursi lagu xaraashay lacag kor u dhaafaysa $21,000

Kursi lagu xaraashay lacag kor u dhaafaysa $21,000

0

Himilo – Kursi alwaax iyo Caw ah oo laga soo iibsaday dukaan ganacsi oo ku yaal Britain ayaa lagu xaraashay in ka badan $21,000 markii loo aqoonsaday inuu yahay shaqadii farshaxanadii billowgii qarnigii 20-aad.

Xarunta xaraashyada seefaha (Auction house Sworders ) ee waddanka Britain ayaa sheegtay in haweeney ay kursiga ku iibsatay wax ka yar $7.

“Markii aan helay, si dhow ayaan u eegay wuxuu u muuqday mid xiiso badan. Waxaan sawirro u diray madxafka V&A laakiin wax jawaab ah kama helin,” iibiyaha, oo magaciisa qariyay ayaa sidaas u sheegay Sworders.

Milkiilaha ayaa la caddeeyay inuu farriimo kale u diray Khabiir John Black, kaas oo kula taliyay in loo tago macallin farshaxanka ka dhiga iskuulka ku yaala Vienna

Waxaa loo sheegay inuu kursigan yahay mid qaddiimi ah, tani waxay sheegtayn in lagu xaraasho adduun lacageed gaaraya $21,874.12

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version