Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Boateng oo Lionel Messi ku booriyay in uu ku biiro Napoli

Boateng oo Lionel Messi ku booriyay in uu ku biiro Napoli

0

Himilo – Barcelona khadkeedii dhexe ee hore  ee  Kevin-Prince Boateng ayaa ku booriyay xiddiga Lionel Messi inuu kamid noqdo Napoli marka uu soo idlaado heshiiskiisa Blaugrana.

Laacibka qaranka Argentine ayaa la filayaa in uu ka tego Camp Nou kaddib markii uu dalbaday ka dhaqaaqitaanka  Barca.

Mar uu wareysi siinayay ESPN, ayuu Boateng yiri: “Messi waa in uu aadaa Napoli  marka uu idlaado heshiiska uu kula jiro kooxda bisha June 2021”

“Waxaa sharaf ahaan laheyd in uu xirto maaliyadda numberka 10aad ee Maradona isla markaana uu halkaasi Naples ka ciyaaro sannad ama laba sanno, isaga oo aan eegeynin dhinaca lacagta”.

Boateng ayaa ka garab ciyaaray Messi kaddib markii ay Barcelona kula saxiixatay si amaah ah  2019, laakiin laacibkii hore ee qaranka Ghana ayaa keliya ciyaaray shan kulan wakhtigiisii kooxda Catalan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version