Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Dele Alli oo Tottenham ka dhaqaaqaya bisha January

Dele Alli oo Tottenham ka dhaqaaqaya bisha January

0

Himilo – Tottenham Hotspur ayaa u oggolaaneysa khadkeeda dhexe ee Dele Alli in uu ka dhaqaaqo kooxda bisha soo aadan ee Janaayo iyada oo la werinayo in PSG xiiseeneyso xiddigan soo qaadashadiisa.

24 sanno jirkaan ayaan kusoo billaaban hal kulan oo  Premier League ah tan iyo markii kooxdiisa Tottenham guuldarro kala kulmeen naadiga  Everton furitaanka horyaalka.

Alli ayaa Tottenham  kaga soo biiray MK Dons sannadkii 2015 qiimo dhan £5 milyan. Laacibka qaranka England ayaa saameyn ku yeeshay kooxda Waqooyiga caasimadda London, isaga oo noqday mid kamid ah xiddigaha ugu muhiimsan naadiga.

Qaab ciyaareedka Dele Alli ayaa hoos u dhacay iyada oo loo sababeynayo ka hoos shaqeynta tababare Jose Mourinho, xilli kooxaha Real Madrid iyo PSG xiiseenayaan soo qaadashada laacibkan weliba si amaah ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version