Home Macluumaad Booliska Ontario oo shacabka uga digay inay walxaha qarxa keenaan saldhigyada booliska

Booliska Ontario oo shacabka uga digay inay walxaha qarxa keenaan saldhigyada booliska

0

Himilo – Booliska gobolka Ontario ee Canada ayaa shacabka uga digay inaan walxaha qarxa loo soo qaadin saldhigyada booliska, kadib markii qof uu saldhig ku yaalla magaalada Ottawa uu geeyay bam-gacmeed aan qarxin oo ka haray Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Booliska ayaa sheegay in arrintan ay halis weyn gelin karto qofka walxaha sida iyo dadka kale ee ag jooga. Waxay shacabka ku booriyeen in haddii ay helaan walxo qarxa aysan taaban ama qaadin, balse ay goobta uga tagaan isla markaana si degdeg ah ugu wargeliyaan laamaha ammaanka.

Booliska ayaa xusay in kooxdooda qaabilsan ka saarista walxaha qarxa ay si ammaan ah u tagi doonto goobta si ay u burburiso ama uga saaraan walxahaas.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version