Home Macluumaad Shaqaalaha la tacaalaya Ebola ee Bariga Congo oo shaqo joojin sameeyay mushahar...

Shaqaalaha la tacaalaya Ebola ee Bariga Congo oo shaqo joojin sameeyay mushahar la’aan awgeed

0

Himilo – Shaqaalaha caafimaadka ee la dagaallamaya cudurka Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa bilaabay shaqo joojin ay ku dalbanayaan mushaharro iyo gunnooyin aan la siin, taasoo hakad gelisay howlihii lagula tacaalayay cudurka.

Shaqo joojinta ayaa ka bilaabatay xarunta daaweynta Ebola ee magaalada Bunia, oo ah xarunta gobolka Ituri isla markaana ah meesha uu cudurku sida weyn uga dillaacay. Shaqaaluhu waxay xireen waddooyinka, gubeenna taayirro, iyagoo sheegay inay toddobaadyo badan shaqeynayeen iyagoo aan wax mushahar ah helin, inkastoo ay maalin kasta halis ugu jiraan fayraska.

Dibadbaxayaasha oo ay ka mid yihiin shaqaalaha nadaafadda, kormeerayaasha cudurka iyo wacyigeliyeyaasha bulshada ayaa dalbaday in si degdeg ah loo bixiyo xuquuqdooda iyo qalabka badbaadada shaqsiga. Waxay dowladda u qabteen 72 saacadood inay ku fuliso dalabkooda.

Shaqo joojintan ayaa daba socota mid tan la mid ah oo ka dhacday magaalada Rwampara, inkastoo Wasiirka Caafimaadka Roger Kamba uu laba toddobaad ka hor ballanqaaday in mushaharrada shaqaalaha la bixin doono.

Mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in cudurka Ebola, oo uu sababay nooca Bundibugyo, uu dalka ka socday tan iyo 15-kii May. Tiradii ugu dambeysay waxay muujisay 2,011 kiis oo la xaqiijiyay, kuwaas oo 754 qof ay u dhinteen, iyadoo cudurku ku fiday shan gobol. Hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa ka digay in shaqo joojintu wiiqi karto dabagalka cudurka iyo dadaallada lagu xakameynayo faafitaankiisa.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version