Home Cayaaro Boqolaal Qof oo la Xiray Kadib Rabshado Ka Dhacay Paris Xilli PSG...

Boqolaal Qof oo la Xiray Kadib Rabshado Ka Dhacay Paris Xilli PSG U Dabaaldegaysay Hanashada Champions League

0

Himilo – Booliiska Faransiiska ayaa xiray 457 qof, halka boqolaal kale su’aalo la weydiiyay, kadib rabshado ka dhacay magaalada Paris iyo meelo kale oo dalka ka tirsan intii lagu guda jiray dabaaldegga guushii kooxda Paris Saint-Germain ee koobka UEFA Champions League.

Rabshadahan ayaa billowday kadib markii kumannaan taageerayaal ah ay waddooyinka isugu soo baxeen si ay ugu dabaaldegaan guushii PSG, oo rigoorayaal ku garaacday kooxda Arsenal ciyaartii kama dambaysta ahayd ee lagu qabtay Budapest.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Faransiiska ayaa sheegtay in guud ahaan dalka la xiray 416 qof xalay, kuwaas oo 283 ka mid ah lagu qabtay Paris. Qiyaastii 20,000 oo taageerayaal ah ayaa isugu yimid waddada caanka ah ee Champs-Élysées, halka kooxo yar yar ay dab qabadsiiyeen gaadiid, burburiyeen dukaamo iyo hanti kale.

Booliisku wuxuu sheegay in hal askari uu dhaawacmay, isla markaana la kala eryay koox isku dayday inay xoog ku gasho saldhig booliis oo ku yaalla degmada 8-aad ee Paris. Sidoo kale, waddada weyn ee ku wareegsan magaalada ayaa si ku meel gaar ah loo xanibay ka hor inta aan booliisku kala dirin dadkii isugu soo baxay.

Waxaa kale oo la sheegay in la xakameeyay ku dhowaad 1,000 qof oo ku sugnaa agagaarka garoonka PSG, iyadoo la qaaday xannibaado laga sameeyay baaskiillo.

Guushan ayaa PSG ka dhigaysa kooxdii labaad ee taariikhda casriga ah ee Champions League si xiriir ah u difaacata horyaalka. Rabshadahan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya sanad kadib markii dabaaldegga hanashadii ugu horreysay ee PSG ee Champions League uu sababay dhaawaca 201 qof iyo in ka badan 500 xarig oo dalka oo dhan laga sameeyay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version