Himilo – Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa ka digtay in cudurka Ebola ee ka dillaacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) uu ku fidayo xawaare ka sarreeya dadaallada lagu xakameynayo, iyadoo aan weli si buuxda loo ogeyn baaxadda dhabta ah ee faafitaanka cudurka.
MSF ayaa sheegtay in xaaladda gobolka Ituri ay tahay mid aad u walaac badan, maaddaama tiro badan oo kiisaska Ebola ah la diiwaangeliyay muddo kooban kadib markii cudurka si rasmi ah loo shaaciyay. Hay’addu waxay xustay in boqolaal muunadood/tijaabo oo laga qaaday dad looga shakisan yahay cudurka, halka xannibaadaha garoomada diyaaradaha iyo xuduudaha ay dib u dhigayaan keenista agabka caafimaad iyo khubarada loo baahan yahay.
Sida ay sheegtay MSF, cudurkan waxaa sababay nooca Bundibugyo ee Ebola, kaas oo aan weli loo hayn tallaal ama daawo si rasmi ah loo ansixiyay, arrintaas oo sii adkaynaysa dadaallada lagu xakameynayo faafitaankiisa.
Hay’addu waxay sidoo kale ka digtay in xarumaha caafimaadka ee gobolka ay culays weyn saaran yihiin, taasoo khatar gelin karta adeegyada caafimaad ee kale. Waxay ku baaqday in la kordhiyo awoodda baaritaannada, la dedejiyo gargaarada caafimaad iyo in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay kalsoonida bulshada si dadka loogu dhiirrigeliyo inay raadsadaan daaweyn.
Sida ay muujinayaan tirakoobyadii ugu dambeeyay ee World Health Organization, ugu yaraan 134 kiis oo Ebola ah ayaa si rasmi ah looga xaqiijiyay Congo iyo Uganda, halka dhimashadu gaartay 18 qof. Mas’uuliyiinta caafimaadka Congo ayaa sidoo kale sheegay in tan iyo markii cudurka la shaaciyay la diiwaangeliyay in ka badan 1,000 kiis oo looga shakisan yahay Ebola, iyadoo kiisaska cusub ay weli sii kordhayaan.
