Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Bucharest: Magaalada maalin kasta lagu xado baaskiil!

Bucharest: Magaalada maalin kasta lagu xado baaskiil!

0

Himilo -Ku dhawaad 280 baaskiil ayaa lagu xaday caasimadda Romania ee Bucharest tan iyo billowgii sannadkan sida lagu sheegay tirakoob cusub.

Mareegta Romania Insider ayaa qortay in booliiska uu dib u soo celiyay 36 baaskiil oo kamid ah kuwa laga xaday milkiilayaashooda.

Booliiska caasimadda Bucharest ayaa sheegay in 989 baaskiil in lagu xaday gudaha magaalada sannadkii 2018 balse booliiska ayaa dib u helay 174 kamid ah.

Dadka magaalada deggan gaar ahaan kuwa adeegsada baaskiilada ayaa lagu booriyay inay qaataan baaskiilada leh dukumentiyada saxda ah iyaga oo looga digay in baaskiilada ascaarta jaban yihiin kuwa u nugul xatooyada.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version