Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Chelsea iyo Arsenal oo fursad loo siinayo saxiixa Coutinho

Chelsea iyo Arsenal oo fursad loo siinayo saxiixa Coutinho

0

Himilo – Barcelona ayaa u bandhigeysa Chelsea iyo Arsenal fursad ay kula saxiixan karaan khadka dhexe ee kooxda Philippe Coutinho adduun lacageed gaaraya £75 Milyan.

Coutinho ayaan laga xiiseyneyn garoonka Camp Nou isaga oo xilli cayaareed ammaah ah ku qaatay kooxda horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich.

Kooxda reer Jarmal ayaan dooneyn inay ka faa’iideysato fursadda saxiixa 27 jirka sabab la xiriirta lacagta Barcelona ku dooneyso laacibkeeda.

Sida laga soo xigtay The Sun, Chelsea iyo Arsenal ayaa fursad loo siin karaa saxiixa cayaaryahanka reer Brazil oo bandhig wanaagsan sameeyay intii uu joogay Liverpool.

Wakiilka Coutinho Kia Joorabchian ayaa daaha ka qaaday toddobaadkii tagay in laacibka uu jeclaan lahaa in uu mar kale ka cayaaro horyaalka Ingiriiska.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version