Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Caruurta Halkee ayay ku nool yihiin haweenka ugu dhalmada badan caalamka?

Halkee ayay ku nool yihiin haweenka ugu dhalmada badan caalamka?

0
A one-day-old newborn infant yawns in its crib in the hospital.

Himilo – Inkastoo heerka dhalmada haweenka dunida uu hoos u dhacay marka la fiiriyo 70 sanno kahor haddana dadka dunida way sii kordhayaan marka la eego kala bar dalalka caalamka sida lagu xusay warbixin cusub.

Warbixin tirakoob ah ayaa laga sameeyay dalalka ay ku nool yihiin haweenka ugu carruurta badan iyo kuwa ugu dhalmada yar ee caalamka oo dhan.

Waxay warbixinta muujisay in jasiiradda Qubrus tahay dalka ugu hooseeya xagga dhalmada, waxaana haweenayda dalkaasi ku nool ay dhashaa hal cunug.

Taa caksigeeda, haweenka ugu dhalmada badan caalamka waxay ku nool yihiin Niger oo haweenaydu dhasho 7 carruur ah celcelis ahaan.

Ingiriiska, Mareykanka iyo Australia waxay kamid noqdeen 91 dal ee haweenay kasta dhasho in ka yar labo cunug.

Khubarada waxay qabaan in dalalka qaar ku socdaan wado wanaagsan halka kuwa kalana ku liitaan dhalmada. Waxbarashada iyo fursadaha shaqada ayaa loo tiirinayaa hoos u dhaca heerka dhalmada.

Christopher Morai oo katirsan jaamacadda Washington ayaa qaba in dhalmo yaridda dalalka qaar tahay arrin laga walaaco oo u baahan wax ka qabasho.

Intii u dhaxaysay sanadihii 2007 illaa 2017, waxaa sanad kasta dunida ku kordhay 87 milyan oo qofood laakiin waxay inta badan dadkaasi ku nool yihiin dalalka saboolka ah halka14% oo kamid ah ku nool yihiin dalalka dakhligooda sarreeyo sida Yurubta galbeed iyo waqooyiga Ameerika.

Dhalmo la’aanta haweenka ayaa kamid ah sababaha hoos u dhigay heerka dhalmada dalal badan oo caalamka ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version