Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Chelsea oo dooneysa weeraryahan katirsan Lyon

Chelsea oo dooneysa weeraryahan katirsan Lyon

1

Himilo – Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u weecatay saxiixa weeraryahanka kooxda Lyon Moussa Dembele kaddib markii ay ku guuldareysatay dadaalka ay ugu jirtay hanashada Timo Werner.

23 jirka ayaa si weyn loola xiriiriyay u dhaqaaqista horyaalka Ingiriiska toddobaadyadii ugu danbeeyay xilli Chelsea iyo Manchester United la tilmaamay inay xiiseynayaan.

Sida laga soo xigtay The Athletic, Chelsea ayaa u aragta Dembele bartilmaameedkooda koowaad. Warbixinnada ayaa intaa raacinaya in tababaraha Chelsea Frank Lampard uu daneynayo xoojinta weerarkiisa xilli uu dhaawac yahay Tammy islamarkaana aan la hubin mustaqbalka Olivier Giroud.

 Dembele ayaa dhaliyay 16 gool 27 kulan oo uu u saftay Lyon xilli cayaareedkan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version