Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Owen Hargreaves oo la barbardhigay Bruno laacib katirsan Man City

Owen Hargreaves oo la barbardhigay Bruno laacib katirsan Man City

0

Himilo – Khadkii dhexe ee kooxda Manchester United Owen Hargreaves ayaa la barbardhigay Bruno Fernandes kubad sameeyaha Man City Kevin De Bruyne.

Fernandes ayaa saameyn ku reebay Manchester United tan iyo markii uu kaga soo biiray Sporting Lisbon, isaga oo dhaliyay seddex gool islamarkaana abuuray afar caawin 9 kulan oo ah dhammaan tartamada.

Isaga oo hadlayay kaddib cayaartii Europa League ee Man United kaga hortimid LASK, Hargreaves ayaa u sheegay BT Sport in mar kasta oo uu kubadda helo uu macno sameynayo.

Owen Hargreaves oo hadalka sii qaatay ayaa intaa ku daray “Sida De Bruyne, waxa uu ku cayaarayaa xawaarihiisa, ma deg deg badna, qof kasta oo kooxda ah ayuu siiyay caawin.”

De Bruyne oo loo arko mid kamid ah khad dhexayaasha ugu wanaagsan caalamka ayaa si toos ah ugu lug yeeshay 29 gool 35 kulan oo xilli cayaareedkan ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version