Himilo – Noolaha jeerta waxaa jira waxyaabo badan oo laga sheegi karo, marba marka ka dambaysa waxaa ka soo kordha macmuulaad cusub.
Haddii aadan awood u laheyn kala saaridda codadka kala duwan, jeertu waxay kartaa inay kala ogaato codka saaxiibka iyo ka cadowga ku soo beegan.
Saynisyahanno cilmi baaris ka sameeyay seero xayawaanada lagu daryeelo oo ku yaalla Mozambique ayaa daraasaddan natiijadeeda soo helay.
Xayawaanka Jeerta ma aha mid bulsho. Tiradooda ayaa aad isku sii dhimeysa, waxay sababaan dhimashada boqollaal ah dad ah sanad kasta.
Cilmi baarista ayaa sidoo kale lagu ogaaday inay jeertu wax ka maqli karto meel ka fog masaafe gaaraya hal Kiilo-mitir.
Daraasadda waxaa hoggaaminayay Prof Nicolas Mathevon oo ka tirsan jaamacadda Saint-Etienne, kaas oo horey ku dersay dhawaaqyada xayawaanada dunida sida dhurwaaga.
