Himilo – West Ham United ayaa lagu soo warramayaa inay ka mid tahay dhowr kooxood oo xiiseynaya saxiixa garabka Leeds United ee Raphinha.
25-sano jirkaan ayaa heer sare ka gaaray kooxda Cadaanka tan iyo markii uu kaga soo biiray Rennes bishii October 2020, isagoo dhaliyay 14 gool, waxaana uu caawiyay 11 kale, 51 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Raphinha iyo wakiilkiisa, ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Chelsea Deco, ayaa la fahamsan yahay inay wadahadalo wanaagsan la yeesheen Leeds oo ku saabsan qandaraas cusub, isagoo qandaraaskiisa haatan ku eg yahay Juun 2024.
Si kastaba ha ahaatee, Sky Sports News ayaa ku warameysa in West Ham ay si dhow ula socoto xaalada Raphinha ka hor inta aysan u dhaqaaqin ciyaaryahanka garabka ka ciyaara.
