Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Ciraaq: Carmal lagu mehriyay 8 Milyan oo Doolar

Ciraaq: Carmal lagu mehriyay 8 Milyan oo Doolar

0

Himilo FM –Warqad ka soo baxday maxkamad ku taalla magaalada Bakhdad ee dalka Ciraaq ayaa muujisay meherkii ugu qaalisanaa dalkaasi.

Warbaahinta maxaliga ah ee Ciraaq ayaa tilmaamtay in warqadda maxkamadda ee nikaaxa inay muujisay meher dhan 8 Milyan oo Doolar.

Waxaa kale oo ku cad warqadda in ninka oo dhashay sannadkii 1984-kii uu meherka ku nikaaxsaday haweenayda carmalka ah oo dhalatay 1986-dii islamarkaana heysata labo carruur ah.

Ninka aan la shaacin magaciisa ayaa ballan ku qaaday ilaalinta xaaskiisa iyo korriimada carruurteeda.

Dad badan ayaa u arkay meherkan mid laga badbadiyay iyadoo celceliska meherka Ciraaq uu yahay 4 kun oo Doolar illaa 8 kun oo Doolar.

Dood adag ayaa ka dhalatay sheekadan, waxay dad badan isweydiiyeen sababta loogu nikaaxay haweenayda meherka intaas la eg.

Dadweynaha ayaa ku kala aragti duwanaaday sheekada balse inbadan waxay isku raaceen in kororka meherka uu haweenka ka dhigayo kuwa aan la guursan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version