Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Ciyaaryahan ka ciyaara horyaalka Turkiga oo shil ku geeriyooday

Ciyaaryahan ka ciyaara horyaalka Turkiga oo shil ku geeriyooday

0

Himilo FM – Weeraryahanka xulka qaranka Czech ninka lagu magacaabo Josef Sural ayaa ruux baxay kaddib markii gaari uu saarnaa uu shil galay isaga iyo dhowr ciyaartoy oo kamid ah kooxda reer Turki ee  Aytemiz Alanyaspor.

Sural oo ah 28 jir ayaa ku dhintay isbitaalka kaddib markii isaga iyo lix kamid ah saaxiibbadiisa halkaasi loola cararay.

Madaxa kooxda Hasan Cavusoglu ayaa sheegay in kaxeeyaha gaariga uu ahaa mid hurdeysan halka darawalka kale lagu soo waramayo in uu hurdayay markii uu shilka ka dhacayay meel seddex Mile u jirta guriga kooxda oo ah magaalada Alanya.

Sural ayaa ku biiray Alanyaspor isaga oo kazsoo dhaqaaqay naadiga Sparta Prague bishii Janaayo.

Waxa uu xulkiisa u ciyaaray 20 kulan, markii ugu danbeysay oo uu u ciyaaray waxa aheyd kulan ay guuldarro kala kulmeen  Ukraine bishii October ciyaar ka tirsaneyd Nations League.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version