Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Dubai: Saacadaha waxbarashada oo la soo gaabinayo Ramadaanka

Dubai: Saacadaha waxbarashada oo la soo gaabinayo Ramadaanka

0

Himilo FM –Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Dubai ayaa soo gaabinaya saacadaha waxbarashada inta lagu guda jiro bisha Ramadan ee soo socota.

Hay’adda kormeerta waxbarashada Dubai ee KHDA ayaa xustay in xisadaha dugsiyada bilaaban doonaan 8:00am ama 8:30am illaa 1:00 ama 1:30pm.

“Dugsiyada waa inay xaqiijiyeen wadarta saacadaha waxbarashada iyadoo aysan noqon karin inka badan 5 saacadood maalintii,” ayuu yiri Maxamed Darwish oo madax ka ah hay’adda KHDA.

Waxa uu intaa raaciyay “ardayda sooman waa laga reebayaa wax kasta oo u baahan qabasho jirreed iyadoo aysan saameyn ku yeelan karin darajooyinkooda.”

Darwish ayaa tilmaamay in dugsiyada looga baahan yahay inay ilaaliyaan ardayda sooman si aysan u dareemin culeys.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version