Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Costacurta: ‘Donnarumma waa gool-hayaha ugu fiican adduunka’

Costacurta: ‘Donnarumma waa gool-hayaha ugu fiican adduunka’

0

Himilo – Halyeeyga Milan Alessandro Costacurta ayaa aragtidiisa ka dhiibanayay  muranka u dhexeeya Zlatan Ibrahimovic iyo Romelu Lukaku wuxuuna sheegay in Gigio Donnarumma uu yahay gool-hayaha ugu fiican adduunka.

Weeraryahanada Milan iyo Inter ayaa ku lug lahaa gacan ka hadal intii lagu jiray kulankii Talaadada ee Copa Italia derby.

“Waxaan sameyn jiray waxyaabo ka xun taas,” Costacurta ayaa u sheegay Sky Sport.

“Mauro Tassotti wuxuu i baray sida looga xanaajiyo kuwa kaa soo horjeedda: mid u jeedso, hubi magaca ku qoran dhabarkiisa oo weydii qofka uu yahay.”

Daafacii hore ee Milan ayaa la dhacay Gigio Donnarumma kulankii Rossoneri ee 2-1 ay kaga badiyeen Bologna Sabtidii, laakiin isagu ma yahay goolhayaha ugu fiican adduunka?

“Gabi ahaanba haa,” ayuu yiri Costacurta.

“Halkaas ayuu la joogaa Manuel Neuer.”

Milan ayaa weli ah hogaamiyaasha miiska kala sarreynta ee Serie A iyagoo ku raaxeysanaya inay labo dhibcood ka sareeyaan Inter.

Nerazzurri ayaa seddexa dhibic la wareegtay shalay markii ay 4-0 kaga badiyeen Benevento ciyaar ka dhacday Stadio Giuseppe Meazza.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version