Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Cristiano Ronaldo oo oggolaaday in uu ku biiro Inter Miami

Cristiano Ronaldo oo oggolaaday in uu ku biiro Inter Miami

0

Himilo – Weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo ayaa oggolaaday in uu ku biiro kooxda Inter Miami xagaaga soo socda.

Cayaaryahanka 35 jirka ah oo dhaliyay 21 gool oo Serie A ah ayaa qandaraaskiisa Juventus ku egyahay dhammaadka xilli cayaareedka 2021-2022.

Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso kordhinta qandaraaska weeraryahanka muddo labo sanno oo dheeraad ah. Sida laga soo xigtay Don Balon, Ronaldo ayaa doorbiddaya u dhaqaaqista MLS.

Warbixinnada ayaa intaa raacinaya in laacibka ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or muddo shan jeer ah uu heshiis la gaaray madaxweynaha Inter Miami David Beckham isaga oo u wareegaya Waqooyiga Ameerika haddii Juventus ku guuldareysato hanashada Champions League-ga sannadka xiga.

Ronaldo ayaa dhaliyay 626 gool 838 kulan oo xirfaddiisa ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version