Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Harry Kane oo u dhaqaaqi kara koox ka dhisan Talyaaniga

Harry Kane oo u dhaqaaqi kara koox ka dhisan Talyaaniga

0

Himilo – Weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa lagu soo waramayaa in uu u dhaqaaqi karo kooxda Juventus haddii ay la timaado dalab ku saabsan saxiixiisa.

Inkasta oo uu heysto qandaraas uu ku sii joogi karo kooxda ka dhisan Waqooyiga London illaa 2024-ka haddana Kane waxa uu u muuqdaa in uu doonayo isbadal cusub.

Kooxo badan ayaa xiiseynaya cayaaryahanka oo ay ku jirto Juventus oo beddal u raadineysa cayaaryahanka Gonzalo Higuain.

Marka la eego Tuttosport, hoggaamiyaasha Serie A ayaa u arka laacibka 26 jirka ah dooqooda koowaad oo ay bartilmaameysanayaan suuq furanka soo socda.

Inkasta oo Manchester United xiiseynayso Kane haddana warbixinnada ayaa qeexaya in laacibka Ingiriiska u furan yahay u dhaqaaqista Talyaaniga.

Kane ayaa dhaliyay 181 gool, 278 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil intii uu joogay Spurs.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version