Inta la xaqiijiyay 8,000 oo qof ayaa ku dhintay dhul-gariirkii laba maalin ka hor ku dhuftay dalalka Syria iyo Turkiga.
Kooxaha gurmadka ayaa caqabad kala kulmaya cimillada qabow oo meelaha qaar heer kulka gaaray -6, sida ay sheegayaan dadka gurmadka wada.
Caalamka ayaa u gurmanaya labada dal inkasta oo Syria meelaha qaar ay mucaarad heystaan dhowrkii sano ee ugu dambeyayna ay dagaallo ka socdeen.
Dowladda Turkiga waxaa ay sheegtay in ay howlgelisay 16,000 oo shaqaalaha gurmadka deg degga ah ee waddankaas iyada oo ay la kulmayaan qabowga daran.
Sidoo kale dadka la badbaadiyay ayaa waxaa ay wajahayaan nolol adag maaddaama ay banaanka joogaan oo ay qabowga wajahayaan islamarkaana heysan hooy ay kaga gabbadaan Roobka iyo Barafka da’aya.
