Himilo – Chelsea ayaa xaqiijisay in Danny Drinkwater uu si amaah ah ugu biiray kooxda reer Turkey ee Kasimpasa ilaa laga gaarayo dhammaadka fasalkan.
Daafaca qaranka England ee Drinkwater ayaa Chelsea kaga soo biiray Leicester qiimo dhan £35million xagaagii 2017, laakiin waxa uu Stamford Bridge kasoo muuqday 23 kulan.
“Danny Drinkwater waxa uu si amaah ah ku bixi doonaa Kasimpasa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan. Nasiib wacan Danny!” ayaa lagu yiri qoraal ay Chelsea boggeeda Twitterka soo dhigtay
Drinkwater ayaan kooxda koowaad ee Chelsea kasoo muuqan tan iyo 2018 ciyaartii Community Shield kulankaasi oo ay wajaheen Manchester City.
