Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Da’yarka nadiifiya wadooyinka xilliga xayiraadda Karona

Da’yarka nadiifiya wadooyinka xilliga xayiraadda Karona

0
Joseph Beer who loves to clean road signs in his home town of Chatteris, Cambs. See SWNS copy SWCAsigns: A teenage boy annoyed by road signs left dirty and hedges overgrown during lockdown has become a local hero after going on a mission to clean them all up. Joseph Beer, 15, noticed dozens of neglected street signs and hedgerows whilst out on his daily walks with mum Lisa, 52. He soon decided he wanted to clean up the streets - and with the help of dad Mark, 56, he rigged up a trailer to fix to the back of his bike, and started peddling around the streets near his house.

Himilo – Wadada waa tan inoo fududeeysa gaaridda halka aan ku jiheysanahay, annaga oo caawinaad ka heleyna sumadaha ku xardhan. In la nadiifiyaana waa kaalin u banaan qof waliba.

Markan 15-jir ku nool deegaanka Cambridgeshire ee England, ayaa qaadanaya kaalintiisa waqtiga xayiraadda Karona.

Xilli uu la luga baxsanayay hooyadii oo 52-jir ayuu arkay dayaca ka jira wadooyinka, markaas oo uu Joseph Beer go’aansaday inuu nadiifiyo calaamadaha ku dhaggan wadooyinka si ay u noqdaan kuwo mar kale la arki karo.

Da’yarkan oo la nool xanuunka autism, ayaa si maalinle ah u nadiifiya tilmaamaha ku dhagan wadooyinka ee haga dadka iyo gawaarida, isaga oo caawinaad ka hela aabihiis.

Dadaalkiisa oo qeyb ahaan mira dhalay ayaa waxa uu soo jiitay mid ka mid ah dadka jaarka la ah, taas oo dhankeeda billaawday olole lacag loogu uruurinayo Joseph. Lacagaha la helay oo kun ponud ahaa ayuu ugu deeqay dadka sabool ah ee la hardamaya xaaladda adag ee Covid-19, sida hooyadii ay u sheegtay shabakadda goodnewsnetwork.

Waxey raacisay in waxa kaliya ee wiilkeedu doonayo tahay in la helo wado nadiif ah tilmaamaheedana la arki karo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version