Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada 37-jir baratay 74 xirfadood si ay u maareyso nolosha qosykeeda

37-jir baratay 74 xirfadood si ay u maareyso nolosha qosykeeda

0

Himilo – Qarnigan 21aad xirfaddu waa waxa kaliya ee uu ruuxu ku samatabixin kara oo qofba kan uu ka xirfad badan yahay uu ka maareyn ogyahay nolosha, waxaa taasi tusaalle fiican u noqon karta Sreedevi, oo ku nool koofur-bari India oo baratay 74-ka xirfadood.

Markii uu ka tagay aabaheed ayey billawday inay falkiso dabadeedna iibiso dirmo laga sameeyay caleenta geed timireedka, si ay u hesho nolol maalmeedka hooyadeed iyo gabadha yar, xilligaas waxey da’deedu ahayd 18-jir.

Dakhliga kasoo gala shaqadaasi oo yaraa, ayaa waxey dantu biday inay barato xirfado kale sida habka saliidda looga dhaliyo Lowska, loo kaxeeyo cagaf-cagafta, loo iibiyo dharka, loosoo dabo masaska, loona xanaaneeyo kalluunka iyo digaaga, iyada oo markaasi dooneysa dakhli ku filanaan kara noloshooda.

Sida ay daabacay mareegta newindianexpress, waxey waqtiyadaasi mar u dhaw ku biirtay koox haweenka u tababara fuuliska geed qumbaha, waxey ahayd tan kaliya ee deegaankeeda ka barata xirfadaasi.

“Dadka xaafadaha Vellayambalam iyo Peroorkada way ii imaan jireen si aan u fuulo geed qumaha una caawiyo” ayey tiri. Waxey sidoo kale baratay habka loo soo dabo loona xanaaneeyo Bakeylaha

Waxaa dhawaan la gudoonsiiyay biladda beeraleyga ugu wanaagsan degaankooda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version