Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Dr. Mahathir oo ka dhawaajiyay sirta ku jirta caafimaadkiisa!

Dr. Mahathir oo ka dhawaajiyay sirta ku jirta caafimaadkiisa!

0

Muqdisho – Ra’iisul-wasaarihii hore ee dalka Malaysia, Tun Dr Mahathir Mohamad ayaa dadkiisa la wadaagay siraha ku duugan cimrigiisa ku dhow qarniga.

Dr. Mahathir hadda wuxuu jiraa 91-sano. Wuxuuna talada dalka Malaysia soo hayay muddo dhan 22 sano.

In kasta oo uu xilka ka degay sanadkii 2003, hadana wuxuu kaalin firfircoon ku yeelahay siyaasadda dalka. Wuxuuna hadda hoggaan u yahay Xisbiga Parti Pribumi Bersatu Malaysia.

“Dad badan ayaa i weydiiyay sababta aan ugu sugnaaday caafimaad,” ayuu yiri Dr. Mahathir.

“Malahaanin balwadda sigaar-dhuuqista, cabista qamriga waligay. Waxaan cuntada ka istaagaa kahor inta aan dhergin. Waxaana aan aqriyaa buugaagta,” ayuu kusii qoray bartiisa Twitter-ka.

Marka loo eego xog ay sanadkii 2015-ka soo saartay Statistics Department, celceliska cimri-nololeedka dadka Maalysia wuxuu ahaa 74.8 sano.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version