Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Durbaan tume dadka u kiciya saxuurta oo lagu weeraray Turkiga

Durbaan tume dadka u kiciya saxuurta oo lagu weeraray Turkiga

0

Himilo – Nin loo maleynayo soo galooti oo ku nool degmada Sisli ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa la dhaawacay kadib markii Mindi  lagu weeraray.

Sanad kasta inta lagu jiro bisha ramadaan waddooyinka dalkaas, waxaa isugu oo baxa xilliga habeenkii  kumannaan ka mid ah durbaanleyda.

Ragga Durbaanada wata waxay ku lebbisan yihiin dharkii dalkaas laga xiran xilligii dawladdii Cusmaaniyiinta, shaqadoodu waxay tahay inay dadka u kiciyaan suxuurta inta fajarta uusan caddaan.

Inkastoo dhaqan soo jireen ahaa haddana dadka qaar waxaa dhiba dhawaaqa durbaanka saacadaha badan xilliga habeenkii ah la tumo, waxay u arkaan in laga maarmi karo.

Ninka la weeraray waxaa la geeyay xarun boolis kadib dhacdada. Mr Fikret Garipler oo ah dhibbanaha waxaa laga soo xigtay inuu yiri “haddii mindigu taaban laheyd durbaaanka, wadnahayga ayay u gudbi kartay.”

In ka badan 3000 oo qof oo durbaanada garaaca ayaa ka shaqeeya waddooyinka Istanbul inta ay socoto bisha barakaysan ee ramadaan ujeedkooda ayaa ah inay dadka u kiciyaan saxuurta.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version