Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Falalka dhaca guryaha ee Yurub oo hoos u dhacay

Falalka dhaca guryaha ee Yurub oo hoos u dhacay

0

Himilo- Xoggo ka soo baxay machadka tirakoobyada Yurub ee Eurostat ayaa muujiyay hoos u dhaca falalka dhaca guryaha ee dalalka midowga Yurub 24% intii u dhaxaysay 2011 illaa 2017.

Tirada falalka dhaca guryaha ee la diiwaan geliyay ayaa lagu sheegay 396 kun oo dhacdo, waxay ka timid tirada 522 kun dhacdo.

Marka la fiiriyo dalalka, Romania ayaa timid kaalinta ugu horreysa ee dalalka ugu yar falalka dhaca guryaha. Keliya 16 dhacdo ayaa la soo gaarsiiyay booliiska marka loo eego 100 kun qofood sannadkii 2017.

Estonia iyo Czech Republic ayaa sooo raacay kaalmaha xiga. Waxaa sidoo kale hoos u dhac la xiriira falalka dhaca guryaha ku faanaya dalalka Slovenia, Slovakia iyo Hungry.

Dhanka kale, falalka dhaca guryaha ee ugu badan waxaa laga soo wariyay Belgium, Faransiiska, Spain, England, Wales iyo Portugal.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version