Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Fulham, Sheffield United iyo Stoke oo isku haya ciyaaryahan khad dhexe

Fulham, Sheffield United iyo Stoke oo isku haya ciyaaryahan khad dhexe

0

Himilo –Sheffield United iyo Stoke City ayaa isha ku haya inay soo xerogeliyaan xiddiga khadka dhexe ee Bournemouth Harry Arter, inkastoo Fulham ay sidoo kale xiiseyneyso ciyaaryahankan, sida laga soo xigtay The Sun.

Bournemouth ayaa la filayaa inay u oggolaato Arter in uu u dhaqaaqo ka dib markii ay la soo wareegeen Philip Billing oo ka yimid Huddersfield Town.

29 sanno jirka reer Republic of Ireland ayaa xiiseynaya Sheffield United iyo Stoke City, halka Fulham ay haatan raadineyso inay soo xerogeliso.

U dhaqaaqistiisa Blades waxay la micno tahay Arter inuu awoodo inuu sii wato xirfadiisa Premier League.

Si kastaba ha noqotee, labada naadi ee Championship Fulham iyo Stoke ayaa sidoo kale sameyn kara isku dayo si ay uga dhaadhiciyaan inuu u wareego heerka labaad.

Bournemouth ayaa la soo saxiixatay ciyaaryahanka khadka dhexe 2010-kiib laakiin xilli ciyaareedkii hore ammaah ayuu ku qaatay Cardiff City.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version