Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Liverpool oo xaqiijisay saxiixeeda labaad ee xagaagan

Liverpool oo xaqiijisay saxiixeeda labaad ee xagaagan

0

Himilo –Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay saxiixa Harvey Elliott oo ay kala soo wareegeen kooxda Fulham.

Da’yarka garabka ka ciyaara  ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da yaraa ee taariikhda Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay markii uu kasoo muuqday kulankii ay la ciyaareen Wolves isagoo jira 16 sanىo iyo 30 maalmood.

Elliott ayaa guud ahaan seddex kulan kasoo muuqday kooxda Cottagers intii lagu guda jiray ololaha 2018-19, wuxuuna soo jiitay xiisaha Real Madrid iyo RB Leipzig.

Laakiin Liverpool ayaa ku guuleysatay loolanka loogu jiro saxiixa Elliott, waxayna xaqiijisay subaxnimadii Axadda maanta ah in ciyaaryahanka garabka ka ciyaara uu yimid Anfield isagoo ka soo tagay galbeedka London.

Xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa ka mid noqon doona kooxda Liverpool ee maanta ciyaar saaxiibtinimo la ciyaari doonta kooxda Napoli ,waxa uuna ku biiray  xerada tababarka  ee Evian.

Elliott ayaa noqday saxiixii labaad ee Liverpool ee xagaagan kaddib markii da’yarka  Sepp van den Berg uu heshiis £ 1.3million ah ugu dhaqaaqay Anfield horraantii bishan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version