Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Gaadiidka iyo Elman oo wada balansan

Gaadiidka iyo Elman oo wada balansan

0

Kooxaha kubadda cagta Gaadiidka iyo Elman ayaa ku wada balansan galabta gegada Banaadir Stadium kulan ka tirsan horyaalka Soomaaliya.

Labadan kooxood ayaa kulankii 11aad ee horyaalka wada dheelaya, iyadoo lugtii hore Elman ay si dirqi ah kaga talaabsatay dhigeeda Gaadiidka cayaar 1-0 ku soo idlaatay.

Gaadiidka kulankii ugu danbeeyay barbaro ayay la dhaafi weysay Saxafi halka Elman ay kasoo talaabsatay FC Muqdisho.

Elman ayaa haddii ay badiso ku dhibco noqon doonta Horseed, halka guul ay gaarto Gaadiidka ay gaarsiin doonto 19 dhibcood oo iminka ay wadaagaan Heegan iyo Dekedda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version