Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Neymar oo mustaqbalkiisa fog ka dhex arka Nou Camp

Neymar oo mustaqbalkiisa fog ka dhex arka Nou Camp

0

Neymar ayaanan meel uga socon kooxda Barcelona isagoo tilmaamay inuu Nou Camp ku helay fursad uu kaga garab cayaaro cayaartoyda dunida ugu fiican.

Neymar Jr. ayaana muujiyay sida qoyskiisa inuu u arko kooxda Barca, isagoo aan waxba u arkin inuu qandaraaska kordhiyo.

Kabtanka qaranka Brazil ayaa lala xiriirinayay kooxda Manchester City iyo kooxda ay Barca xifiltamaan ee Real Madrid.

24 jirkaan ayaa yiri “Waxaan u maleynayaa waxa ugu weyn kubadda cagta ayaa ah inaad ka garab cayaarto cayaartoy tayo sare leh, waxaana aaminsanahay kuwa ugu tayada sareeya inay halkan joogaan. Sidaa awgeed, aad ban ugu faraxsanahay inaan ku sii sugnaado Barcelona.”

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version