Home Arrimaha Bulshada Gabar askari ah oo loo xiray inay aqbashay codsi guur iyadoo ku...

Gabar askari ah oo loo xiray inay aqbashay codsi guur iyadoo ku jirta shaqada

0

Himilo – Waxa ay ahayd in ay noqoto mid ka mid ah waayo-aragnimadii ugu farxadda badnayd ee nolosheeda oo isu beddeshay riyo naxdin leh oo ku dhacday askariyad Nigerian ah, ka dib markii lagu xiray iyada oo aqbashay dalab guur iyada oo ku jirta shaqada.

Dhibaatada gabadha askariga ah ayaa bilaabatay markii muuqaal laga duubay iyada oo aqbashay hindisaha guur ee wiil dhalinyaro ah oo jilbaha dhulka u dhigtay oo aad ugu baahay baraha bulshada.

Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya xubno kale oo ka tirsan militariga Nigeria oo marqaati ka ah soo jeedinta ka dibna farxad iyo bogaadin u diraya labada is jecel. Si kastaba ha ahaatee, Ciidanka Nigeria, arrimuhu aad uma fududayn. Tani ma ahayn tilmaan jacayl oo fudud oo internetka gashay, laakiin caddayn muuqaal ah oo gabadh askari ah oo aqbashay in ay guursato tababare ku jira qorshaha tababarka dhalinyarada ee dawladda, taas oo sida muuqata ah mid aan la ogolayn.

“Dhaqankeeda waxa uu ahaa mid wax u dhimaya nidaamka wanaagsan iyo anshaxa milatariga,” Gen Clement Nwachukwu ayaa u sheegay BBC. “Hawsha tababarayaashu waxay ahayd inay tababaraan xubnaha ururka dhalinyarada oo aanay la samayn cilaaqaadka xiisaha leh midkoodna.”

Ku lug yeelashada jaceylka iyada oo ku labisan dharka ciidamada ma ahan wax ay raali ka yihiin ciidamada Nigeria, sidaas darteed haweeneyda dambiga geysatay, oo lagu magacaabo Sofiyat Akinlabi, ayaa la sheegay in la xiray, falkaas oo dhaliyay falcelin caro leh oo ka yimid kooxaha xuquuqda aadanaha iyo dadka u ololeeya. Qaar badan ayaa ku tilmaamay go’aanka mid “misogynistic”, iyaga oo sheeganaya in ragga ay ulkam karaan si la mid ah iyaga oo aan la kulmin wax cawaaqib ah.

Askariga la xiray ayaa taageero badan ka helay dhanka Internet-ka oo isugu jira dadweyne iyo dad badan oo caan ah, balse waxaa la arki doonaa haddii uu Ciidanku go’aansado in uu u hoggaansamo codsiyada lagu sii deynayo.

Kumanaan reer Nigeria ah ayaa saxeexay codsi online ah oo ku saabsan sii deynta Akinlabi, laakiin waxay ku sii jirtaa xabsiga ka dib toddobaad oo ay xidhnayd.

Codsiga wuxuu ku boorrinayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga, Farouk Yahaya, “inaad isticmaasho xafiisyadiinna wanaagsan si aad u amarto sii deynta Sofiyat Akinlabie. Sidoo kale, waa in la ixtiraamaa go’aankeeda ah inay guursato xubinta dhalinyarada ah maadaama labadooduba ay xaq u leeyihiin xorriyadda isu-tagga oo ay dammaanad qaadayso qodobka 40-aad ee dastuurka.” Ayaa lagu yiri codsiyada

Qore: Hanaa Maxamed Maxamuud

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version