Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dhexdhexaadiyay kulan ka tirsan tartanka kooxaha Afrika

Garsoorayaal Soomaaliyeed oo dhexdhexaadiyay kulan ka tirsan tartanka kooxaha Afrika

0

Garsoorayaasha Soomaaliyeed oo kala ah Xasan Aadan Xaaji Yabaroow Wish, Xasan Maxamed Xaaji,  Xamse Xaaji Cabdi iyo Suleymaan Bashiir Shiikh Cabdi ayaa dhexdhexaadiyay kulan xiiso badan oo dhexmaray kooxaha AS Vita Club iyo Mamelodi Sundowns.

Waa lugtii hore ee koobka kooxaha Afrika, waxaana uu ka dhacay dalka Congo oo loogu martiyay kooxda Vita Club iyadoo lugta labaad ay ka dhici doonto dalka South Afrika.

Kulanka oo shalay galab dhacay ayay si wacan garsoorayaasha dalkeenu u dhexdhexaadiyeen oo shaqo wacan ay qabteen.

Cayaarta ayaana waqtigii loogu talo galay ku soo idlaatay 1-0 oo guushu ay ku raacday kooxdii loo soo martiyay AS Vita Club.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version