Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Gerrard “Diyaar uma ahi shaqada Liverpool.”

Gerrard “Diyaar uma ahi shaqada Liverpool.”

0

Himilo – Steven Gerrard ayaa shaaciyay in uu tababare u noqon karo Liverpool mustaqbalka haddii uu diyaar u noqdo shaqadaasi.

Inkasta oo Gerrard uu dhawaan qalinka ku duugay heshiis dheer oo uu ku sii joogayo kooxda Rangers haddana khadkii dhexe ee Liverpool ayaa lala xiriiriyay in uu u soo wareegi karo Anfield.

Si kasta, ninka reer England ayaa soo jeediyay inay fogtahay in hadda laga hadlo in uu ku laabanayo Liverpool si uu u beddalo Jurgen Klopp.

Isaga oo la hadlayay Mail, Gerrard ayaa yiri “Wan dareemayaa, waxaan ahaa kabtan muddo dheer, dad badan ayaa jeclaan lahaa inay arkaan aniga oo ku soo laabanaya kooxda, waxaan xaqiiqsanahay in markasta loo baahan yahay in aad tahay mid dhammeystiran.”

Gerrard ayaa maamulayay kooxda Liverpool ee ka yar da’da 18-ka sanno kahor inta uusan u wareegin Rangers sannadkii 2018-ka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version