Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Roma oo heshiisyo rasmi ah ku dooneysa Smalling iyo Mkhitaryan

Roma oo heshiisyo rasmi ah ku dooneysa Smalling iyo Mkhitaryan

0

Himilo – Roma ayaa dooneysa inay heshiisyo rasmi ah ku hesho Chris Smalling iyo Henrikh Mkhitaryan dhammaadka xilli cayaareedkan.

30 jirka khadka dhexe Smalling ayaa kaga soo biiray kooxda reer Talyaani Manchester United isaga oo ka soo muuqday 26 kulan dhammaan tartamada oo dhan.

Cayaaryahanka reer Armenia ee Mkhitaryan ayaa waxaa cuuryaamiyay dhaawacyo tan iyo markii uu ka soo tagay Arsenal balse waxa uu dhaliyay gool isaga oo caawiyay mid kale guushii Roma ka gaartay Lecce Axaddii.

Isaga oo la hadlayay Sky Sports News, tababaraha Roma Paulo Fonseca ayaa sheegay in Chris yahay cayaaryahan weyn oo xirfadle ah.

Waxa uu intaa raaciyay “la qabsiga cayaaraha Talyaaniga waxay u noqotay mid fudud. Waa wiil laga jecel yahay kooxda, waa xirfadle weyn.”

Paulo ayaa xusay in uu jeclaan lahaa in Mkhitaryan uu ku hayo. Roma ayaa hadda fadhisa booska 5aad ee horyaalka Serie A.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version