Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Guurka Turkida iyo Suuriyaanka oo koror laga dareemayo

Guurka Turkida iyo Suuriyaanka oo koror laga dareemayo

0

Himilo- Warbixin cusub oo uu baahiyay telefishinka TRT ayaa muujisay kororka guurka ka dhaxeeya Turkida iyo Carabta inkastoo ay jiraan culeyso badan.

Xogta warbixinta oo laga soo xigtay hay’adda tirakoobyada Turkiga ayaa tilmaamtay sida ragga Turkida ugu janjeeraan guurka ajaanibta iyadoo tirada gabdhaha ajnabiga ah oo ay guursadeen lagu qiyaasay 22,583 sannadkii 2016-ka.

Haweenka Syria ayaa yimid kaalinta ugu horreysa ee liiska ajaanibta ay guursadaan Turkida xilli tirakoobyada muujiyeen in 6,495 dumar Syrian ah guursadeen rag u dhashay Turkiga.

Sida laga soo xigtay warbixinta TRT, 28.8% ajaanibta ay guursadaan Turkida waa haweenka u dhashay Syria.

Dhanka kale, Tirada ragga ajnabiga ah ee guursada gabdhaha Turkida ayaa gaartay 3,777. Dadka Jarmalka ayaa ka noqday 35.%

Sababta kororka guurka Turkida iyo Suuriyaanka aya loo tiirinayaa magangalyada Turkiga uu siiyay qaxooti ku dhaw 4 Milyan oo Syrian ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version