Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Haweenay iska jartay gacan si ay u hesho lacag ceymis ah!

Haweenay iska jartay gacan si ay u hesho lacag ceymis ah!

0

Himilo FM –Maamulka Slovenia ayaa shaaciyay in haweenay u dhalatay dalkaasi iska jartay gacan iyadoo adeegsanaysa minshaar si ay u hesho lacag ceymis ah.

Booliiska ayaa tilmaamay in haweenayda oo 21 jir ah inay ku dhiiratay iyadoo kaalmo ka helaysa qaarabadeeda inay iska goyso gacan si ay u hesho lacag ceymis ah oo gaaraysa 400 kun oo Euro.

Haweenayda aan la shaacin heybteeda ayaa sheegatay in gacanteeda biddix ka go’day iyadoo jaraysa geedo laakiin qiilkan waxa uu noqday mi aan lagu qancin.

Mas’uuliyiinta ayaa xusay in xubno kamid ah qoyska inay gacanta go’day ka soo tageen markii haweenayda loo qaaday isbitaal, taasi oo shaki weyn abuurtay.

Booliiska ayaa sidoo kale cadeeyay in dhacdada ahayd xilli hore oo sannadkan ah kaddib markii shirkado badan lacago ku yeesheen qoyska.

Waxaa kale oo booliiska uu ku dhawaaqay in uusan jirin wax mag dhaw ah sababo lala xiriirinayo khiyaanada la fahmay ee qoyska ku kaceen.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version