Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Haweenka Haweenaydii ugu da’da weyneyd Waqooyiga Ameerika oo geeriyootay

Haweenaydii ugu da’da weyneyd Waqooyiga Ameerika oo geeriyootay

0

Himilo FM –Ellen Dolly Gibb oo ah haweenayda ugu da’da weyn Canada iyo qaaradda Waqooyiga Ameerika ayaa ku geeriyootay da’da 114 iyadoo ku sugan gurigeeda magaalada North Bay sida laga soo xigtay warbaahinta Canada.

Warbaahinta CBC ayaa tilmaamtay in Gibb ahayd haweenayda ugu da’da weyn Waqooyiga Ameerika iyado ku jirtay booska 9aad ee liiska haweenka ugu cimriga badan caalamka.

Ms Gibb ayaa sidoo kale loo qoray rikoorka ah qofka 5aad ee gaaray da’ fog taariikhda dalka Canada.

Qoyska haweenayda ayaa xusay in da’da fog oo ay gaartay in loo celin karo socodka badan ee sida joogta ah ula nooleyd iyo jaceylka qoyskeeda.

“Gibb waxay ahayd qof deggan, naxariis badan islamarkaana u fekera si toggan,” ayaa lagu yiri qoraal uu qoyska soo saaray.

Gibb ma aysan la nooleyn xannuunada raagga iyada oo keliya hal jeer la dhigay isbitaal tan iyo dhalashadeeda sannadkii 1939-kii.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version