Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Man United oo isha ku heysa Eric Dier

Man United oo isha ku heysa Eric Dier

0

Himilo FM –Man United ayaa lagu soo waramayaa inay quudareynayaan sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen Eric Dier.

Red Devils ayaa la fahamsan yahay in xiddigan ay ka doorbidayaan laacibka Declan Rice kaasi oo aysan u badneyn in kooxda  West Ham ay beecinayso.

Sida ay ku warameyso The Times, kooxda United ayaa hoos u dhigi doonta rabitaanka laacibka ay isku qaranka yihiin Dier ee Declan Rice, waxaan la aaminsan yahay in Spurs ay macquul tahay inay diraan xiddigan.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa daneynaya isbeddel cusub oo khadka dhexe ah, waxaa sidoo kale macquul ah in laacibkan beddel looga dhigo Nemanjo Matic.

Xiddiga qaranka Serbia ayaa xilli ciyaaredkan ku dhibtooday kooxda, waxaana 30 jirkan laga yaabaa in naadiga uu isaga tago.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version