Home Habka-Nolosha Haweenaydii ugu horreysay ee Qur’aanka u tarjunta afka Ruushka oo geeriyootay

Haweenaydii ugu horreysay ee Qur’aanka u tarjunta afka Ruushka oo geeriyootay

0

Himilo –Valeria (Īmān) Porokhova oo ahayd haweenaydii ugu horreysay e Qur’aanka u tarjunta Afka Ruushka ayaa ku geeriyootay magaalada Moskow iyada oo 79 jir ah.

Warbaahinta Ruushka ayaa ka soo xigatay saaxiibbada Īmān inay geeriyootay 2-dii bishan September iyadoo aas loogu sameeyay masjidka magaalada Moscow.

Tarjumaada ay sameysay haweenayda ayaa waxaa ansixiyay aqoonyahannada Islaamka ee dhowr dal sida dalalka ku jiray midowgii burburay ee Soviet.

Īmān oo sidoo kale ahayd qof u dhaqdhaqaaqa arrimaha Islaamka ayaa guursatay nin Syrian ah sannadkii 1975-kii iyadoo ka tagtay Moscow sannadkii 1981-kii oo ahayd xilliga ay qaadatay diinta Islaamka.

Intii ay joogtay Syria ayay billowday tarjumaada Qur’aanka kariimka. Waxay dhammeysay sannadkii 1991-kii iyadoo laga sameeyay 12 daabacaad.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version