Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Hay’adda WHO oo ka digtay in carruurta la siiyo saddex sharoobo

Hay’adda WHO oo ka digtay in carruurta la siiyo saddex sharoobo

0

Himilo – Hay’adda caafimaadka adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa ka dhigtay isticmaalka saddex sharoobo, kuwaas oo lagu sameeyo dalka India.

Hay’adda ayaa kula talisay dawladaha haddii ay sharoobooyinkan oo ay ka mid tahay Coldrif ku arkaan dalalkooda inay si degdeg ah ugu soo wargeliyaan.

Xogta sharoobooyinkan oo lagu la siiyo ayaa la helay markii Booliska gobolka Madhya Pradesh ee dalka India au xireen nin la xiriiriyay dhimashada 20 carruur ah.

Hay’adda dawladda u qaabilsan dawooyinka ayaa dhankeeda xaqiijisay inuu xiriir ka dhaxeeyo dhimashada carruurta iyo sharoobooyinka.

WHO ayaa dhakhaatiirka ku boorisay inay carruurta ka yar labo sano aysan u qorin sharoobo qufac ah. Shirkadda saarta noocydan oo ruqsadda lagala laabtay, halka maamulihii la xiray.

Sidoo kale adeegsiga sharoobooyinkan ayaa la mamnuucay, waxaa laga helay sun halis ku ah nolosha aadanaha.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version