Himilo – Waxbarashadu ma laha da’ gaar ah, hanashada riyada jaamacadeed waxay u baahan tahay go’aan qaadasho, taasoo ah mid ay samaysay Raawiya Cabdil Aal, kadib markii ay ka maqneyd xerada tacliinta 15 sanno , waxay dib ugu laabtay waxbarashada Jaamacadeed, wayna rumaysay riyadeedii.
Haweeneyda u dhalatay Falastiin, Raawiya Abdel-Al, ayaa ka hadashay sida ay ugu faraxsan tahay inay ka qalin jebisay Jaamacadda Islaamiga ee Gaza, kadib 15 sano oo ay waxbarashada ka maqneyd.
Raawiya, oo inanteeda jaamacadda kula baratay shareecada iyo qaanuunka, ayaa ku sheegtay – muuqaal si weyn ugu faafay baraha bulshada – in muhiimad cilmigu u leeyahay Gaza, oo ah waddanka dhimashada iyo shahiidnimada, waa farriinta ugu muhiimsan ee haweeney iyo gabadh kasta.
Waxay intaas ku dartay, “Ujeeddada ugu weyn ee igu dhiirigelisay inaan dhammaystiro geeddi-socodka waxbarashada waa rabitaankayga, iyo inaan u noqdo tusaale ay ku dayan karaan carruurtayda, si ay ugu dadaalaan oo ay u ogaadaan in cilmigu uusan dhammaanayn,” iyadoo raacisay: “Hamigaygu waa inaan gaaro darajooyinka ugu sarreeya ee cilmiga.”
Raawiya ayaa farriin u dirtay xaasaskii shuhadada Falastiin inay noloshooda sii wataan oo ay naftooda wax u bartaan marka hore, marka labaadna ubadkooda dartiis, iyada oo ku celcelisay: “Xoojiya oo ha ogolaanina wax idin daciifiyo”.
Waxay ka warrantay dareenkeeda ah in ay gabadheeda wax la barato, waxaanay tidhi: “gabadhaydu waxa ay ila barataa jaamacadda, waana dareenkii ugu quruxda badnaa ee aan uga soocnaa dhammaan ardayda hablaha ah”.
Iyadoo ka hadlaysa waayo-aragnimadeeda ku aadan barbaarinta ubadka, waxay tiri, “Korinta carruurtu kama fududa waxbarashada, laakiin waxaan lahaa dardaaran, waxaana awooday inaan is waafajiyo korinta carruurtayda iyo waxbarashadaba, Ilaahay mahaddiina waxaan koriyey 7 carruur ah.”
