Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad India: Buundo u gaar ah xayawaannada

India: Buundo u gaar ah xayawaannada

0

Himilo – Si looga weeciyo xayawaanada isticmaalka wadada weyn ee marta buuraha gobolka Uttarakhand, dowladda India ayaa dhistay nooc buundo oo u gaar xamaaratada.

Buuntada Eco oo oo dhirirkeedu gaarayo 90 fiit amaba 27 mitir, waxaa laga dhisay ulaha dhirta dhaadheer ee bamboo oo loo geeyay cows iyo dhir kale, waxaana la dhisayay 10 cisho.

“Xamaarato badan iyo xayawaano kale oo yar yar ayay dilaan gawaarida dalxiisayaasha ee isticmaala wadada wayn” sidaasi waxaa BBCda u sheegay Chander Shekhar Joshi oo ka tirsan waaxda Keymaha gobolka Uttarakhand.

Waxaa buuntadii ugu horreeysay ee nooceeda ah una gaar ah xayawaanada oo laga dhiso India, sida ay warisay warbaahinta gudaha.

Labada dhinac ee buurta ayaa lagu xiray kaamirado si loola socdo dhaqdhaqaaqa xayawaanada. Sida uu wariyay Indian Express, marka laga soo tago inay buuntadan badbaado u tahay xayawaanada waxey soo jiidatay dalxiisayaasha oo isaga qaada sawiro.

Sida ay filayaan saraakiisha Keymaha gobolka Uttarakhand waxaa buuntada isticmaali kara xittaa haram cadka iyo xayawaanada la culeyska ah, marka loo fiiro culeyska ay celin karto.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version